Faah Faahin:- Diyaarado dagaal oo duqeyn xoogan ka geystay gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ee saqdhexe ay duqeyn culus ka geysteen deegaanno hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Diyaaradahaasi ayaa sida la sheegay dhowr gantaal ku garaacay sida tuullooyinka kala ah Garilay iyo Daarul-salaam, waxaana halkaasi ku sugnaa dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa duqeyntaasi ku dhimatay 5 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dhanka kale, dowladda Kenya iyo Al-shabaab kama aanay hadal duqeyntaan ka dhacday gobolka Gedo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa muddoyinkii ugu dambeysay xoojiyey duqeynta ay la eeganayaan dagaalyahanada iyo saraakiisha ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!