Golaha wasiirada ee XFS oo maanta kulan xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho

Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay kulan xasaasi ah ku leeyihiin magaalada Muqdisho, kaasi oo arrimo badan looga hadli doonno.

Kulanka golaha wasiirada waxaa shir guddoomin doona ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadli doonnaa arrimo ku aadan amniga dalka, gurmadka abaaraha iyo arrimo kale.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in ay suurtagal tahay in kulanka golaha wasiirada xilalka looga qaado mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankaan maanta ay yeelan doonnaan golaha wasiirada ayaa ka duwanaan doonna kulamadii hore, waxaana la filayaa inay kulankaasi kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala socod wararkeena kale Insha Allah.

error: Content is protected !!