Kenya oo ciidamo dheeraad ah geyneysa dhammaan xarumaha waxbarasho ee dalkeeda

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ay geyn doonto dhammaan xarumaha waxbarasho ee ku yaalla dalkeeda.

Saraakiil u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in ciidamadaan ay kaallin ka qaadan doonaan sugista amniga guud ee xarumahaasi, gaar ahaan jaamacadaha.

Waxaa la sheegay in tani looga gol-leeyahay kadib markii dowladda Kenya ay warbixin ku heshay in dagaalyahannada Al-shabaab ay damacsan yihiin duullaan ay ku qaadaan jaamacdo ku yaalla dalkaasi.

Sidoo kale, waxay tani yareen doontaa sida la sheegay in maleeshiyada Al-shabaab ay ciidamo ka qortaan xarumaha waxbarasho ee Kenya.

Al-shabaab ayaa qal-qal xooggan gelisay guud ahaan dalka Kenya, maalmihii ugu dambeeyay waxaa laga baqayaa weeraro ka dhaca dalkaasi.

error: Content is protected !!