XOG:- Kheyre oo ka shacbiyad badnaan doonno madaxweyne Farmaajo

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa haatan la saadaalinayaa inuu aad uga shacbiyad badnaan doonno madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa lasoo baxay dardar shaqo oo ka xooggan midda Farmaajo, waxaana dadka ay soo xusuusteen mudadda lixdii bilood ee uu Farmaajo dalka ka ahaa ra’iisul wasaare.

Xog aynu helnay ayaa waxay sheegeysaa in waddooyinkii uu maray madaxweyne Farmaajo xilligaasi kuwo aad uga sii dheereeya uu hadda maraayo Kheyre.

Shacab badan ayaa hadda durba ku qancay waxbqadka uu la yimid ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo muddo bilooyin yar shaqo kala socota la yimid.

Dhanka kale, waxay shacabka Soomaaliyeed soo xusuusteen oraahdii madaxweyne Farmaajo markii uu guuleystay, taasi oo ahayd inuu ra’iisul wasaare ka dhigi doonno shaqsi isaga shaqo ahaan aad uga fir-fircoon.

error: Content is protected !!