Madaxweyne Farmaajo “Aniga iyo dhowr wasiir kale dalkaan waxba kama qaban karo..”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta hadal ka jeediyay Masjidka Shuhadaa ee ku yaalla xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah meel kasto oo ay joogaan looga baahan yahay inay towbad keenaan islamarkaana ay is-cafiyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in haatan loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka uu horay ugu socdo lana illaaliyo amaanadda, cadaaladda iyo dadka danyarta ah.

“Aniga iyo dhowr wasiir kale dalkaan waxba kama qaban karo, waxaa loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, si bur burka dalka ka jiro looga baxo, waxaa jira kooxo had iyo jeer ka shaqeeya burburka dalka oo habeen iyo maalin usoo jeeda sidii dalka loo burburin lahaa” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la galay dambiyo waaweyn oo ay ugu horeeyaan is dilka iyo dhibaatada mudada dheer lagu soo jiray, wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed xilligaan looga baahan yahay in si mideeysan looga shaqeeyo sidii uu dalka ku gaari lahaa horumar muuqda islamarkaana at cadaalad ku dhisan tahay.

“Waxaa haatan loo baahan yahay in lagu dadaallo sidii loo hubin lahaa arrimaha maxkamadaha, cadaalada waa shayga ugu muhiinsan aduunyada oo maalinta aakhiro la is-weydiin doonno, shacabka Soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay inay is-cafiyaan” Ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan oo isna ka hadlay masjidka ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan cadaaladda, wuxuuna madaxda iyo shacabka u soo jeediyay inay u duceeyaan garsoorka dalka.

“Sida aad wada maqleyseen waxay khudbadii maanta ku saabsaneyd cadaaladda, waxaana loo baahan yahay in lagu dadaalo garsoorka, si dalkeena Soomaaliya uu uga baxo burburka xagga garsoorka iyo abaaraha” Sidaas waxaa yiri guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan.

error: Content is protected !!