Xildhibaan ka digay in dalka Soomaaliya lagu wado dabintii ugu darneed ebid (AKHRISO)

Shirka London ee loo balansanyahay horaanta bisha May waxaa lagu soo go’aamin doonaa in Soomaaliya aysan yeelan ciidanka xooga dalka Soomaaliya (Military), iyadoo madaxda Qaranka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu isku raaceen shirkii madasha ee Muqdisho lagu qabtay 15 – 16 April 2017 inla baabi’iyo ciidanka military ga ee hadda jira, lana dhiso 18,000 askari oo ka imaan doona kuna ekaan doona xuduudaha isla maamulada ay ka imaanayaan, kuwaas oo loo qaybsanayo sida soo socota:

1. Puntland 3000

2. Galmudug 3000

3. Hirshabelle 3000

4. Banaadir 3000

5. Koonfur Galbeed 3000

6. Jubaland 3000

Taasi micnaheedu waxay tahay inaysan jiri doonin mustaqbalka dhaw iyo midka fogba ciidan Soomaaliyeed oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed difaaca, midaas badalkeedana Soomaaliya loo sameynayo ciidamo booliis ah oo dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada canshuuraha gudaha u qaada, saldhigyada u ilaaliya, tuugada guryaha usoo dhacdana soo xira.

Waxa loo socdana waxa ay tahay “Soomaaliyada cusub oo ka koobnaan doonta maamulo leh xuduudo gudaha ah oo kala qo’qoban, aanan lahayn ciidamo difaaca xuduudaha dalka, midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya”.

Taasoo ka dhigan in la rabo in Soomaaliya lagu rido dabinkii ay diiday 1960 kii markii ay xornimada qaadatay. Waxaan dhihi karaa hadii sidaan wax u dhacaan waa nasiib daro dalka iyo dadka Soomaaliyeed usoo hoyatay.!

Dagaalkii Axmed Gurey, Darwiish ka iyo Leegadii, Baarliin dabinkii la dhigay, intaa waa ina daba socdaanee dantey naga leeyihiin iyo waxaan dooni kala fogaa.

W/Q: Xildhibaan Mahad Salaad

error: Content is protected !!