Doorashada Galmudug oo aan dib looga dhigi doonin waqtigii loogu talo-galay

Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in 30-ka bishaan aan dib looga dhigi doonin doorashada xilka madaxweynaha maamulkaasi, haddii ay dhacdo in aysan heshiis wada gaarin Galmudug iyo Ahlu-sunna iyo haddii kale.

Guddoomiye ku xigeenka guddigaasi Xildhibaan Boosteeyo Jaamac Cali, ayaa sheegtay in doorashada ay tahay mid markii horeba dib loogu dhigayey codsiga dowladda, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya aysan dib u dhigis aqbali doonin.

Wada-hadalka u socda Galmudug iyo Ahlu-sunna ayeey sheegtay inaanu saameyn ku yeelan doonin doorashada oo mar walbo waqtiga doorashada noqon doono mid ku dhaca sidii loogu talogalay.

“Waxba iskama quseeyaan doorashada Galmudug iyo wada-hadalka socda, hadii aan la heshiin xitaa 30-ka bishaan doorashada waa ay dhici doontaa” Ayeey tiri xildhibaanada.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda wada-hadal u dhaxeeya maamulka Ahlu-sunna iyo sidoo kale Galmudug, iyadoo la filaayo in labada dhinac ay midoobaan.

error: Content is protected !!