Dowladda UK oo shaaca ka qaaday in dhawaan ay ciidamo usoo direyso Soomaaliya

Dowladda UK ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho usoo diri doonto ciidamo ka socda dalkeeda.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda dalkaasi ayaa lagu sheegay in ciidamadaan ay yihiin kuwo kaallin weyn ka qaadan doonno nabadeynta Soomaaliya, sidoo kalena tababari doonna ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in muhiimadda ciidamadaan loogu soo dirayo dalka Soomaaliya ay tahay sidii Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa ciidanka xoogga dalka.

Tirada ciidamadaan weli lama sheegin, waxaase qoraalka lagu sheegay in maalmaha soo aadan ay ka degi doonaan Muqdisho.

Dowladda UK ayaa kamid ah dowladaha sida gaarka ah u daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, waxayna taakuleysaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!