Faah faahin:- Wariye Faysal Ilka-case oo caawa si dirqi ah kaga bad-baaday qarax loogu xiray gaarigiisa

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxaysaa weerar caawa lagu qaaday wariye ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, kaas oo qarax loogu xiray gaarigii uu watay.

Wariyahaan oo lagu magacaabo Faysal Cumar Xaashi (Faysal Ilka-case), islamarkaana ah sawir-qaade la shaqeeya wakaaladda wararka ee Reuters ayaa caawa ka bad-baaday qaraxaasi loogu xiray gaarigiisa.

Gaariga ayaa qarxay waxyar kadib markii uu wariye Faysal Ilka-case ka degay islamarkaana galay goob dukaan ah oo uu wax ka iibsanayay.

Wariye Faysal Ilka-case ayaa la sheegayaa inuu haatan bad-qabo, islamarkaana uu si weyn uga argagaxay qaraxa loogu xiray gaarigiisa.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoona illaa iyo haatan aan la ogeyn cidda rasmiga ah ee qaraxaasi ka dambeysay.

1-da bishii November ee sanadkii 2015-ka ayay ahayd markii Faysal Ilka-case uu ku dhaawacmay weerarkii ay dagaalyahanadda Al-shabaab ku qaadeen Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaasi sidoo kale ku dhaawacantay wariyeyaal kale iyo dad shacab oo aad u badan.

error: Content is protected !!