Ganacsade caan ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa waqooyiga magaaladaasi lagu dilay ganacsade halkaasi caan ka ahaa.

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa lagu soo waramayaa iney dileen ganacsadahaan oo lagu magacaabi jiray Gaandi C/raxmaan iyaga oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in ganacsadahan la dilay uu sidoo kale horey uga soo shaqeeyay madaxtooyada Puntland, iyadoo weli aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee loo dilay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ay howlgallo ka wadaan magaalada Gaalkacyo, iyadoo weli aaney jirin cid lagu soo qabtay howlgalladaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dilalka qorsheysan ayaa sidaan oo kale waxa uu uga dhacaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi ka arrimiya maamulka Puntland.

error: Content is protected !!