Kenya oo sheegtay inay dishay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Kenya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay dishay 52 kamid ah dagaalyahanada Al-shabaab, kadib weerar ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka J/hoose.

Ciidamada cirka iyo kuwa dhulka Kenya ayeey sheegeen inay weerar ka fulliyeen deegaan ku dhow Badhaadhe ee gobolka J/hoose, halkaasi oo ay xarumo waaweyn ku lahaayeen ciidamada Al-shabaab.

Sidoo kale, qoraalkaan ayaa lagu sheegay in lagu qabtay 7 qori oo noociisu yahay AK-47, hoobiyeyaal, teleefano, bambooyin iyo sidoo kale aalado laga sameeyo walxaha qarxa.

Ka sokow sheegashada dowladda Kenya ee ah inay dishay dagaalyahano Al-shabaab ah ma jirto ilo madax bannaan oo arrintaan xaqiijinaya.

Si kasta ha ahaatee, dowladda Kenya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay xoojisay duqeymaha ay ka geysanayaan deegaano ka tirsan gobolka J/hoose.

error: Content is protected !!