Ra’iisul wasaare Kheyre oo baaq u direy guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay isku tashadaan islamarkaana dhexdooda ay is-caawiyaan.

Wuxuu ra’iisul wasaare Kheyre sheegay haddii shacabka Soomaaliyeed gacmaha is-qabsadaan ay ka dhalan karto isbedal weyn oo guud ahaan dalka uu galo.

In la sugo amniga iyo in dalka sare loo qaado ayuu sheegay inay ka horreyso marka hore in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta ku hayso guud ahaan dalka.

“Shacabka waxaan leeyahay isku gurmada, gacan shisheeye yaan la sugin, intii aan joogan seddax milyan ayaa la uruuriyay oo loo diray dadka Soomaaliyeed ee kaalmada u baahan, wax walbo waxaan uga gubeynaa dadkeenna oo gacmaha is-qabsada” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Soomaaliya waxaa haatan ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada, waxayna shacabka Soomaaliyeed hadda doonayaan inay arrintaan uga gudbaan iyaga oo gacmaha is-haysta.

error: Content is protected !!