Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Galgala

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntalnd ayaa maanta qarax miino aad u xoogan lagula eegtay buuraha Galgala ee gobolka Bari, iyadoona halkaasi khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta uu ka dhashay.

Gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidamadaan saarnaayeen ayeey haleeshay miinada oo aheyd mid dhulka ku aasan, waxaana lagu soo waramayaa in halkaasi ay ku dhinteen 8 askari, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inuu bur-buray gaarigii qaraxa lala eegtay, waxaana askarta dhaawaca ah loo soo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka, waxay ku sheegteen inay ka dambeeyeen mas’uuliyadda qaraxaan, waxaana ay sheegeen iney dileen askar ka badan.

Dhanka maamulka Puntland weli kama aanay hadal qaraxaan ka dhacay deegaanka Galgala, hase ahaatee qaraxyada sidaan oo kale ah ayaa kusoo noq-noqday deegaankaasi.

error: Content is protected !!