DEG DEG:- Ciidamada dowladda oo dagaal culus ku qaaday deegaanka Mareerey ee Sh/hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal aad u xoogan ku qaaday deegaanka Mareerey ee gobolka Sh/hoose, halkaasi oo ay hore u maamulayeen dagaalyahanadda Al-shabaab.

Dagaalka oo ah mid aad u xooggan ayaa wararku waxay sheegayaan inay ciidamada ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanka Mareerey, iyaga oo iska caabin kala kulmaya dhanka Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan, balse ciidamada xoogga dalka ayaa u muuqday kuwo u diyaarsanaa inay weerarkaan qaadaan.

Dagaalkaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay qaadaan ciidanka dowladda Soomaaliya, wixii ka damabeeyay markii madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in dalka xaalad dagaal uu galay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!