DEG DEG:- Diyaarad ay saaran yihiin ciidanka gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo oo ka degtay Baydhabo

Diyaarad gaar ah oo ay saaran yihiin ciidamada sida gaarka ah u illaaliya madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor-dhoweyd ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ciidamadaan oo si gaar ah u hubeysan ayaa markii ay diyaarada ay la socdeen kasoo degtay garoonka magaalada Baydhabo, waxay durbadiiba isku gadaameen garoonka, iyadoona sidoo kale qaarkood ay gudaha magaalada sii aadeen.

Waxay ciidamadaan suggi doonaan ammaanka madaxweyne Farmaajo, waxaana sidoo kale ay noqon doonaan kuwa u dhaw Farmaajo ee saacad walbo la socda inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaan inta badan isku aaminin ciidamada AMISOM, wuxuuna middaasi bedalkeeda uu wataa ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Danab.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!