DEG DEG:- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo oo goordhow ka degay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goordhow ka degay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wasiirka difaaca ee dowladda federaalka Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa madaxweyne Farmaajo ku wehlinaya safarkaan, iyadoo si aad ah loogu soo dhaweeyay Baydhabo.

Cutub ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa salaan sharaf ku siiyay madaxweyne Farmaajo garoonka Baydhabo, waxaana intaasi kadib loo galbiyey madaxtooyada Baydhabo.

Wuxuu halkaasi kula soo kulmi doonaa sida qorshaha yahay madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ammaanka magaalada Baydhabo waa mid aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka magaaladaasi, iyadoo aan la ogoleyn in halkaasi ay shacabka maraan.

Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweyne Farmaajo ku tago meel ka baxsan magaalada Muqdisho ee gudaha dalka Soomaaliya, tan iyo markii xilka loo doortay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah.

error: Content is protected !!