Jeneraal Cali Gaab oo dib loogu magacaabay xilkii uu hore uga hayn jiray magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Jeneraal Cali Xirsi Barre oo loo yaqaano “Cali Gaab” ayaa markale dib loogu magacaabay xilka taliyaha ciidamada illaalada wadooyinka magaalada Muqdisho, kaas oo in muddo ah xilkaasi soo haayay.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa isagana tan iyo markii xilkaan dib loogu magacaabay wuxuu billaabay inuu isbadel weyn ku sameeyo ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuuna Jeneraal Cali Gaab markale u magacaabay taliyaha ciidanka illaalada wadooyinka Muqdisho.

Jeneraal Cali Gaab oo isna aan hore uga war-hayn in xilkaan markale dib loogu magacaabi doonno ayaa ka war-helay in xilkaan loo magacaabay, wuxuuna durbadiiba bilaabay shaqadiisa ahayad illaalinta wadooyinka Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Jeneraal Cali Gaab ayaa la xasuustaa inuu ka mid ahaa taliyeyaasha ugu shaqada badnaa xilligii uu xilkaan soo haayay, wuxuuna xilkaasi iska casilay, kadib markii uu muran dhuleed ku lug yeeshay.

error: Content is protected !!