Madaxweyne Farmaajo oo digniin aad u culus u diray ciidamada AMISOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa digniin culus u diray ciidamada AMISOM, isagoona uga digay inay baneestaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo sheegay in marnaba aysan aqbali doonin ka dowlad ahaan, in si bareer ah loo dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in wax walbo la iskula xisaabtami doonno.

“Ma ogolaaneyno arrin ku talo-gal ah oo shacabkeena loo geysto, dadkeennu dhiigiisu iyo naftoodu waa qaali, AMISOM waan ognahay 10 sano ayeey nala joogeen, naftoodana wey ku waayeen kuwo iyaga kamid ah, balse taas bedalkeeda ma ahan in dhiigga shacabkeena la baneesto” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maxkamad la saari doonno cid walbo oo dhibaato u geysata shacabka Soomaaliyeed, aana laga daba-hari doonin.

Digniinta madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaysa xilli AMISOM ay mararka qaar ay dhibaato u geystaan dadka Soomaaliyeed ee shacabka ah, waxaana ay gaadiidkooda jiirsiiyaan shacab aan waxbo galabsan.

error: Content is protected !!