Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay

Wafdiga uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ku jiri doonna wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ammaanka guud ee magaalada Baydhabo aad loo adkeeyay.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay xireen guud ahaan waddooyinka magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu tago magaalada Baydhabo wuxuu halkaasi kula hadli doonnaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi, wuxuuna sidoo kale la kulmi doonnaa madaxda Koonfu Galbeed.

Arrimaha ugu weyn ee madaxweyne Farmaajo u tagaayo magaalada Baydhabo ayaa ah ka warqabka xaaladda shacabka ku dhaqan magaaladaasi, kuwa kasoo barakacay abaaraha iyo arrimo kale.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!