Qaabka ugu wanaagsan ee loola dhaqmo dadka xun iyo kuwa xanaaqa badan (AKHRISO)

Sida qofka loola dhaqmo waa xirfad aysan fahamsaneen dadka badankiisa, marka inaad qaadato dhaqanka wanaagsanna wuxuu had iyo jeer kaa yareeynayaa dhibaatooyin laga yaabo inaad la kulanto.

Waxaa haddaba jiro dad leh dhaqan xun oo laga yaabo inaad kula kulanto goobta aad ka shaqeeyso ama si guud ahaanba noloshaada adiga gaarka kuu ah.

Sidoo kale, waxaa waajib ah inaad ula dhaqanto dadka noocaas oo kale ah si wanaagsan, hadii xitaa ay isku dayaan inay kuu geeystaan dhibaatooyin.

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonnaa dhowr tallooyin oo muhiim ah, sida aad ula dhaqmi laheyd hadii aad la kulanto dadka noocaas oo kale ah:-

1- Hala doodin marka aad la joogtid shaqsi dabeecad xun mararka qaar, isku day inuu go’aankaada noqdo mid wanaagsan, si aad u ogaato waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay qofkaasi, iskana illaali shaqsi kasta wuxuu jecel yahay in la wanaajiyo.

2- Ha u badnaanin had iyo jeer la joogga qof xanaaq badan ama qof dabeecad xun, xitaa hadii aad la nooshahay isku day inta badan waqtigaada inaad la qaadato qoyska intiisa kale oo kugula nool guriga ama saaxiibadaada banaanka ku sugan.

3- Hadii aad tahay mid wax qabanaya hala wadaagin dadka noocaasi oo kale ah waa intaas oo aad qaadataa dabcigooda oo kale iyo qaabka ay u fikirayaan.

4- Had iyo jeer wanaag u muuji iyaga, hadii ay dhibaato haysata iyaga oo aad awoodid inaad wax ka qabato u samee gar-gaar.

Tusaale:- Hadii ay shaqada ku adag tahay ha ahaato midda guriga ama tan bannaanka kaalmee oo ula shaqeey, ugu yeer inay kula daawadaan filimka ama kula aqristaan quraanka, sidoo kale hadii ay jirto waxyaabo dhib ku ah inay qabtaan garab istaag oo la qabo.

5- Usheeg sida uu yahay dareenkaada marka ay si xun ula dhaqmayaan dadka kale, kuna waani inay si wanaagsan ula dhaqmaan shaqsiyaadka kale, iyo waxay awoodaan inay qabtaan iyo qaabka ay u qabanayaan hana ku qasbin arrinkaas, maxaaa yeelay badanaa dadka noocaas oo kale ah ma ahan kuwa jecel hadalada ku aaddan qaabka ay u dhaqmayaan.

error: Content is protected !!