XOG:- Al-shabaab oo doonaysa inay weeraraan xarumaha lagu qaadi doonno imtixaanada shahaadiga

Warar si hoose ay u heshay Warbaahinta Bulshoweyn ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay wadaan qorsheyaal ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku weeraraan dhammaan xarumaha lagu qaadayo imtixaanada shahaadiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay haatan Al-shabaab diyaariyeen rag weerara xarumahaasi, walibana u gala sida la sheegay qaababkii loo galay jaamacadaha ku yaalla dalka Kenya, taasi oo dad badan walwal ku beeraysa.

Al-shabaab ayaa dhawaan waxay si cad u qirteen inaysan raali ka ahayn waxbarashada guud ee hadda dalka ka socota, waxayna ku tilmaameen mid lagu luminaayo ardayda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa 20-ka bisha May waxay qabaneysaa dhammaan imtixaanada shahaadiga ah, waxaana ka qeyb-qaadan doonna oo galaya imtixaanadaan arday gaareysa 23 kun.

Hadaba lama oga tallaabada ay qaadi doonto dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama waajib uu ka saaran yahay bad-baadinta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda loo baqayo.

error: Content is protected !!