XOG:- Mooshin xilka looga qaadayo C/weli Gaas oo haatan la diyaarinayo

Waxaa haatan socda diyaarinta mooshin ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland, kaas oo ay ku doonayaan inay xilka uga tuuraan madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas.

Warar hoose oo aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in mooshinkaan oo horay looga baaqsaday in markaan dib loo soo cusbooneysiiyay, waxaana qorshahaan wada sida la sheegay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Puntland.

C/weli Gaas ayaa loo arkay inaanu ahayn shaqsi shaqo, waxbadanna aan ka qaban xaaladda Puntland, welina maamulkaasi uu joogo halkii uu joogey Faroole.

Xildhibaanadana hadda tiro ahaan waa ay ka badan yihiin 20, waxaana ay doonayaan inay xilka ka qaadaan C/weli Gaas, si loo helo wax dhaama xukuumada Gaas ama ka duwan.

Maamulka Puntland ayaa la doonayaa in markaan is-bedal cusub la yimaado, la jaan-qaado dowladda cusub ee dalka ka jirta, wax ka bedala xaaladda siyaasadeed.

error: Content is protected !!