XOG:- Wada-hadalada Ahlu-sunna iyo Galmudug ee magaalada Muqdisho oo fashil ku dhow

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya wada-hadal uga furmay maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca, waxaana ay ka wada hadlayeen sidii labada dhinac isugu biiri lahaayeen.

Warar hoose oo aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in fashil uu ku dhow yahay wada-hadalkaan, kadib markii Ahlu-sunna ay soo bandhigeen shuruudo aad iyo aad u adag tahay in la fulliyo.

Ahlu-sunna ayaa dalbatay arrimo ay kamid yihiin in la siiyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo aan macquul ahayn, xildhibaanno dheeraad ah oo lagu darro Galmudug iyo arrimo kale.

Dhanka Galmudug, waxay sheegeen in marnaba wax siyaado ah aqbali doonin, balse ay aqbali doonaan wax walbo oo macquul ah, labada dhinacna ay isugu soo dhawaanayaan.

Weli wada-hadalka waa mid socda, sidoo kale dowladda dhexe ayaa wadda dadaal ay ku dooneyso in labada dhinac is-fahamsiiyo, dalab walbana la isku dayo in macquul lagu dhameeyo.

error: Content is protected !!