DEG DEG:- Dab aad u xooggan oo ka kacay xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho

Dab aad u xooggan ayaa goordhow wuxuu ka kacay xerada barakacayaasha Badbaado 1 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare aad iyo aad u badan.

Goob-joogayaal oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in dabkaan uu si lama filaan ah ku kacay,  kadib markii Jiko la sheegay in dab uu ka kacay, kadibna gaaray mid kamid ah aqalada xerada ku yaalla.

Waxaa halkaasi ku bas-beelay sida lasoo sheegayo guryo badan oo ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah, iyadoo laga baqayo in sidoo kale uu dabka meello cusub ku faafo.

Khaasare nafeed weli lama soo sheegin, balse waxaa soconaya dadaalka la doonayo in dabkaan lagu damiyo, inkastoo gaadiidka dab-damiska aanu goobtaasi soo gaarin.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!