Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabay guddoomiye ku-xigeennada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale xoghayaha maamulkaasi.
Waxaa xilalakii laga qaaday dhammaan mas’uuliyiintii hore xilkaan u heysay, iyadoo xubnaha cusub ee la magacaabayna ay ku jiraan labo haween ah, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-
1- Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda waxaa loo magacaabay; Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir.
2- Guddoomiye ku-xigeenka siyaasada iyo amniga waxaa loo magacaabay; Mudane Saalax Sheekh Maxamed
3- Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshadda waxaa lo magacaabay; Mudane C/laahi Xaaji Erig.
4- Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud waxaa loomagacaabay; Aadan Sheekh Cali
5- Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay; Subeyda Maxamed Mukhtaar.
Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay wadey xil ka qaadis iyo magacaabis, si loo helo dowlad cusub oo dadkeedana cusub yihiin misane ay isla jaan-qaadi karaan.