Dhallinyaradii maanta lagu toogtay magaalada Baydhabo oo farriin naxdin leh ka tagay (AKHRISO)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay dil toogasho ah ku fullisay 4 ruux oo la sheegay inay qaraxyo ka geysteen magaaladaasi.

Dhallinyaradaan ayaa markii la geynayay tiirka lagu toogtay waxaa la sheegay in hadallo aad iyo aad u naxdin badan ay ku hadlayeen, waxayna sheegayeen inaysan iyagu waxbo ka ogeyn falka loo haysto.

Dad goob-joogayaal ahaa oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in raggaan ay sheegeen in qalad lagu dilaayo, balse maalinta aakhiro ay ku wada xisaabtami doonaan.

Arrintaan ayaa noqotay fal dad badan oo ay la yaabeen dadkii goobtaasi usoo daawasho tagay, waayo waxay dadka qaar is tuseen in dadka la dilay aysan ahayn dhagar-qabayaashii saxda ahaa.

Waxaa hadda xabsiga ku jirta seddax dhallinyaro kale, waxaana iyaguna laga yaabaa in maalmaha soo aaddan la toogto.

Raggaasi la toogtay oo lagu kala magacaabi jiray, Siyaad Xasan Faarax, Sharmad Aawow Maxamed, Xasan Aadan Mursal, C/ladhiif Macalin Aadan, ayaa halka toogashada ka dhaceeysay waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maxakamadda ciidamada qalabka sida iyo kuwa maaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

error: Content is protected !!