Dhallinyaro laga soo tarxiilay Koonfurta dalka Sudan oo maanta la keenay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya la keenay 17 dhallinyaro Soomaali ah, kuwaas oo laga soo tarxiilay dalka Koonfurta Sudan.

Dowladda dalkaasi Sudan ayaa qabatay dhallinyaradaan, kadib markii ay ku eedeysay inay doonayeen in dalkaasi kasii tahriibaan.

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfurta dalka Sudan ayaa ku guuleystay in dhallinyaradaan xabsiyada laga soo daayo, kadibna waxaa loo soo tarxiilay dalkooda.

Qaar kamid ah dhallinyaradaan oo aynu la hadalnay ayaa waxay inoo sheegeen in hadda farxad la joogaan maadaama ay lasoo kulmeen xaalad adag.

Waxay dhallinyaradaan tilmaameen in kuleel iyo caafimaad darro isugu darsantay intii ay ku jireen xabsiyada ku yaallada dalka Koonfurta Sudan.

error: Content is protected !!