Dowladda Mareykanka oo sheegtay in burcad badeedda ay soo celisay abaarta Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in suurta-gal ay tahay soo laabashada burcad badeedda Soomaalida ah inay sabab u tahay abaarta iyo macluusha ka jirta dalkooda.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika Jeneraal Thomas Waldhauser, ayaa sheegay in sanadkaan 2017-ka burcad badeedda Soomaalida ah ay weeraro xooggan geysteen.

Wuxuu taliyaha sheegay in bishii hore oo kaliya ay burcad badeedda geysteen 6 weerar, taasi oo ka dhigan in si xowli ah ay badda kusoo galeen.

Taliyaha ayaa tilmaamay in markii ay dhallinyaradaan ku adkaatay xaaladda bariga ay door-bideen si dhaqaale ay u helaan inay afduub ka sameeyaan badda.

Ugu dambeyn, taliye Jeneraal Thomas Waldhauser, ayaa tilmaamay in dhankooda aanay wax jawaab ah ka bixin doonin kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah, balse ay mar walbo la socdaan dhaq dhaqaaqyadooda.

error: Content is protected !!