Guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir oo maanta xilalka laga qaadayo

Xog ay warbaahinta Bulshoweyn si hoose uga heshay xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa sheegaya in saacadaha soo aadan ee maanta xilalka laga kala qaadi doono seddaxda guddoomiye ku-xigeen ee maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa haatan la diyaariyay shaqsiyaadkii xilalkaan loo dhiibi lahaa oo hadda ku sugan xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir sidoo kale lagu wargeliyey in xubno cusub lasoo wado.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in xubnaha cusub ay ku jirto haweeney lagu bedalaayo Jeylaani Nuur Iikar, waxayna haweeneydaan isla soo shaqeeyeen ra’iisul wasaare Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmahaan dambe wuxuu waday isbedalka uu ku sameynayo dowladdiisa, iyadoo dhawaan xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay mas’uul cusub.

Waxaa sidoo kale jiri doonno shaqsiyaad kale oo iyaguna xilalka ay hayaan laga qaadi doonno, sida agaasimayaasha wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya oo muddo ku raagay halkaasi.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!