Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta afar nin ku toogatay Baydhabo (SAWIRO)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta duuleedka magaalada Baydhabo ku toogatay 4 nin oo lagu soo eedeeyay inay qaraxyo ka fulliyeen magaaladaas.

Raggaasi la toogtay oo lagu kala magacaabi jiray, Siyaad Xasan Faarax, Sharmad Aawow Maxamed, Xasan Aadan Mursal, C/ladhiif Macalin Aadan, ayaa halka toogashada ka dhaceeysay waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maxakamadda ciidamada iyo kuwa maaamulka Koonfur Galbeed.

Waxay raggaan ku eedeysnaayeen inay mas’uul ka ahaayeen qaraxyo 28-kii Febraayo 2016 ka dhacay Baydhabo, waxaana halkaasi ku dhintay 80 qof, iyadoo 45 kalena ay dhaawacmeen.

Sidoo kale, waxaa jira seddax kale oo raggaan lala xukumay, kuwaasi oo iyagana dil sugayaal ah, iyadoo in la toogto 4-taan ruux uu saxiixay sida la sheegay madaxweyne Farmaajo.

error: Content is protected !!