Munaasabadda xil wareejinta guddoomiye ku-xigeenadda iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir (SAWIRO)

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiye ku-xigeennada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale xoghayaha maamulkaasi.

Guddoomiye ku-xigeenada cusub iyo xoghayaha guud ee la magacabay ayaa saacado kadib si rasmi ah xilalka ula wareegay, iyadoona xaflad xil-wareejinta uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Mas’uuliyiintii hore ee xilalkaan u heysay ayaa xilalka si rasmi ah ugu wareejiyay mas’uuliyiinta cusub, iyadoona mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay ay ku jiraan labo haween ah, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka.

Labadaasi haween ayaa kala qabanaya xilalka guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyadda iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta xilalka si rasmi ah ula wareegtay ayaa kala ah;

1- Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda waxaa loo magacaabay; Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir.

2- Guddoomiye ku-xigeenka siyaasada iyo amniga waxaa loo magacaabay; Mudane Saalax Sheekh Maxamed

3- Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshadda waxaa lo magacaabay; Mudane C/laahi Xaaji Erig.

4- Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud waxaa loomagacaabay; Aadan Sheekh Cali

5- Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay; Subeyda Maxamed Mukhtaar.

error: Content is protected !!