DEG DEG:- Dagaal aad u xoogan oo goordhaw ka qarxay duuleedka B/weyne

Wararka haatan naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goordhaw dagaal aad u xoogan uu ka qarxay duuleedka bari ee magaalada B/weyne.

Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo dagaalyahanadda Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, wuxuuna haatan ka socdaa deegaan qiyaastii 40km dhinaca bari ka xiga magaalada B/weyne.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in labada dhinac ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar hordhac oo soo baxaaya ayaa waxay sheegayaan inuu jiro qasaare xoogan balse aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu qasaarahaasi gaarsiisan yahay.

Sidoo kale, ma jirto faah faahin intaasi dheer oo dagaalkaasi laga helaayo, balse waxaa magaalada B/weyne haatan laga maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!