Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta kusii jeeda dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu maanta oo Talaado ah ku wajahan yahay dalka Turkiga, halkaas oo uu kula soo kulmi doonno madaxda dalkaasi, gaar ahaan dhiggiisa dalkaasi Recep Tayyib Erdogan.

Safarka madaxweyne Farmaajo ee Turkiga ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib casuumaad rasmi ah uu ka helay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay inoo sheegayaan in waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadli doonaan ay ka mid tahay xiriirka labada dal iyo sidoo kale taageerada dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa maalin kahor ku dhawaaqday in 10 milyan oo doollar ay ku kabi doonto miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan.

Waa safarkii shanaad uu madaxweyne Farmaajo ku aadayo dalka dibaddiisa, tan iyo markii xilka loo doortay 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan 2017-ka.

error: Content is protected !!