Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo Baydhabo ku toogatay askari ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay saakay magaaladaasi ku toogatay askari ka tirsan ciidanka booliiska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasi oo hore dil u geystay.

Askariga la toogtay oo lagu magacaabi jiray Dable Cali Buurow Maxamed ayaa ku eedeysnaa in degmada Buurhakaba uu ku dilay qof shacab ah, sidoo kalena uu dhaawacmay labo qof kale.

Goobta lagu tooganaayay askarigaan ayaa waxaa ku sugnaa gudoomiyeyaasha maxkamadda sarre darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Askariga la toogtay ayaa sida la sheegay degmada Buurhakaba dil ka geystay 10-ka bisha Oktoobar ee sanadkii 2016-ka, iyadoo maantana xukunka dilka ah lagu fuliyay.

Maalintii shalay ayay ahayd markii maxkamadda ciidanka qalabka sida ay toogatay 4 ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxyo 28-kii bisha Febraayo ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qaraxyadaasi ayaa la sheegayaa inay ku dhimatay 80 qof, iyadoo 45 kalena ay dhaawacmeen.

error: Content is protected !!