Wararka naga soo gaaraya xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in weli la isku mari la’yahay wadahadalada halkaasi uga socday xubnaha kala matalaya Ahlu-sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug, xilli la qorsheeynayay in wadahadalkaasi lasoo gaba-gabeeyo.
Ahlu-sunna Waljameeca ayaa la sheegayaa inay haatan la timid dalab aad u adag oo ay weli ka biyo diidsan yihiin xubnaha wadahadalkaasi u matalaya maamulka Galmudug.
Wararka ugu dambeeyay ee laga helaayo wadahadalkaasi ayaa waxay sheegayaan in Ahlu-sunna Waljameeca ay dalbatay in la siiyo xilal aan macquul ahayn, kuwaas oo kala ah;
– Inaan lagula tartamin xilka madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug
– In la siiyo xildhibaano, wasiiro u cayiman iyo xilal kale oo maamulkaasi ka mid noqon doonna.
– In dowladda dhexe laga siiyo xilal kala duwan, sida agaasimayaal, safiiro iyo saraakiil ciidan, taas oo macquul ahayn maadaama wadahadalka uu kala dhaxeeyo maamulka Galmudug oo kaliya.
Ahlu-sunna oo haatan maamusho labo degmo oo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa u muuqdo in wadahadalkaan uu iyaga dhinacooda ka socon la’yahay, maadaama uu dalabkooda ku jiro in dowladda dhexe xilal laga siiyo.
30-ka bishaan ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud lagu qabto doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoona wadahadalada labada dhinac ay weli u muuqdaan mid weli la isku afgaran la’yahay.