Itoobiyaan afduub loogu haystay gobolka Sool oo lasoo bad-baadiyay

Ciidamada ammaanka ee gobolka Sool ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaas, waxay ku guuleysteen inay soo bad-baadiyaan boqolaal Itoobiyaan ah oo gobolka ku qafaalnaa.

Dabley hubeysan ayaa dadkaan waxay ku haysteen deegaan 77-KM u jira magaalada Laascaanood, waxaana ay ka qaadan jireen lacag madax furasho ah, si ay Itoobiyaanka ugu sii tahriibaan magaalada Boosaaso.

Ciidamada howlgalkaan sameeyay ayaa gacanta ku dhigay sidoo kale 10 kamid ah afduubayaasha iyo hubkii ay wateen.

Korneel C/raxmaan Maxamed Axmed oo kamid ah saraakiisha howlgalkaan fuliyay ayaa u sheegay warbaahinta in muddo badan ay baadi-goobayeen raggaan, hadane ay sii daayeen dhammaan dadkii ay xoogga ku haysteen.

Wuxuu sheegay Korneelka in mar dambe aysan dhici doonin in deegaanno kamid ah gobolka Sool lagu soo qafaasho dad Itoobiyaan ah.

Itoobiyaanka ayaa gobolka Sool uga sii gudba magaalada Boosaaso, si ay ku tagaan dalka Yemen.

error: Content is protected !!