Maamulka Puntland oo sheegay in magaalada Boosaaso ay ku qabteen rag is-qarxin rabay

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag is-qarxin rabay iyo sidoo kale qalabkii ay u adeegsan lahaayeen is-qarxinta.

Taliyaha ciidanka madaxtooyadda maamulka Puntland C/rashiid C/raxmaan Ismaaciil ayaa bartiisa Facebook-ga ku sheegay inay haatan gacanta ku haayaan 5 nin iyo sidoo kale 3 fuusto oo qaraxyo lagu diyaariyay.

Wuxuu taliyaha tilmaamay in ciidamada Puntland ay qabteen raggaan iyo walxaha qarxa xilli ay gaari saarnaayeen, haatanna dambi baarista ay su’aallo weydiinayaan.

Sidoo kale, taliye C/rashiid ayaa sheegay in seddaxda fuusto ee walxaha qarxa laga soo buuxiyay la doonayay in lagu weeraro seddax goobood oo kala duwan, islamarkaana ku taalla magaalada Boosaaso, isagoona tilmaamay in hadda ay raadinayaan rag kale oo gacan siinayay ragga la qabtay.

“Alle mahadiis, waxay ciidanka ammaanka Puntland gacanta ku dhigeen qaraxyo lagu soo diyaariyay seddax fuusto oo loogu talo galay in lagu qarxiyo seddax meelood kala duwan, sidoo kale waxay ciidanku gacanta ku dhigeen gaarigii siday fuustooyinkaasi iyo 5-nin oo waday” Sidaas waxaa taliyaha ciidamada madaxtooyadda Puntland C/rashiid C/raxmaan Ismaaciil.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka wadeen howlgallo ballaaran oo lagu raadinayay raggaan is-qarxin rabay.

error: Content is protected !!