Madaxweyne Farmaajo oo maanta heshiis la saxiixday madaxweyne Erdogan (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa galabta qasriga madaxtooyadda ee magaalada Ankara kulan kula qaatay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta dhaqaalaha iyo sidoo kale dib u dhiska dalka Soomaaliya, waxayna labada dhinac kulanka kadib kala saxiixdeen heshiisyo wax wada qabsi ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa heshiiska dhankeeda u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, halka Turkigane uu u saxiixay wasiirka horumarinta Mudane Lutfi Elvan.

Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dowladiisa ay sii xoojin doonto taageeradda ay siiso dowladda Soomaaliya, isagoona dhinaca kale ballan ku qaaday inuu taageero horleh siin doonno Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiiisa uga mahad-celiyay dowladda Turkiga soo dhaweynta diirran oo ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada joogtada ah ee ay dowladda Turkiga siiso Soomaaliya.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa kulankoodii isku soo hadal qaaday heshiisyo hore oo labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya ay u wada-galeen, kaas oo ay ugu weyn tahay heshiiska dhinaca amniga.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadiisa dalka Turkiga socon doonto muddo seddax maalmood ah, wuxuuna halkaasi kula kulmi doonnaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaas, shirkado ganacsi, hay’adaha gargaarka ee dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida aadka ah u taageera shacabka Soomaaliyeed iyo dowladood, waxayna Turkiga dalka Soomaaliya ka fulliyeen mashaariic fara-badan.

error: Content is protected !!