Musharixiinta madaxweynaha Galmudug oo si deg-deg ah looga yeeray magaalada Cadaado

Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa si deg-deg ah ugu yeeray dhammaan musharixiintii isku diiwaan geliyay doorashada xilka madaxweynaha maamulkaas.

Mahad Sheekh Cali Cibaar oo kamid ah guddiga doorashada Galmudug ayaa u sheegay warbaahinta in si deg-deg ah looga baahan yahay dhamman musharraxiinta ay ku yimaadaan magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay Cibaar in muddo 24 saac gudahood ah looga doonayo dhammaan musharixiinta inay kusoo doontaan shaadooyinka caddeynaya inay is-diiwaan geliyeen.

“24-saac gudaheed waa inay musharixiinta madaxweynaha Galmudug ku yimaadaan magaalada Cadaado, waxaa la doonayaa in la siiyo shahaadooyinkooda, marka annaga howsheenna waa ay socotaa” Sidaas waxaa yiri Mahad Sheekh Cali Cibaar.

Dhinaca kale, Mahad Sheekh Cali Cibaar oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in marnaba doorashada Galmudug aysan dib uga dhici doonin waqtigii loo qabtay oo ah 30-ka bishaan April.

Doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa marar badan kasoo baaqatay waqtigii loogu tallo-galay, waxaana la ogeyn haatan in mudadii lagu ballamay ay ku dhici doonto iyo inkale.

error: Content is protected !!