Muxuu madaxweyne Farmaajo kala hadli doonnaa dhiggiisa dalka Turkiga?

Madaxweynaha Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo maalintii shalay aheyd ka amba baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo dalka Turkiga la kulmi doonnaa dhiggiisa dalkaasi Recep Tayyip Erdogan, waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimo u badan xiriirka labada dal.

Waxyaabaha ay isku soo hadal qaadi doonaan labadaasi mas’uul ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka labada dal, taageerada Turkiga ee Soomaaliya, dhismaha 10-ka kun guri uu Turkiga ka dhisaayo Muqdisho iyo arrimo la xiriira shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale kala saxiixan doonna heshiisyo u badan fulinta mashaariic hormarineed iyo xagga taageerada ciidanka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida aadka ah u taageera shacabka Soomaaliyeed iyo dowladood, waxayna Turkiga dalka Soomaaliya ka fulliyeen mashaariic fara-badan.

error: Content is protected !!