Niman isku qarxin rabay magaalada Boosaaso oo maanta lasoo bandhigay (SAWIRO)

Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu soo bandhigay illaa 5 nin oo is-qarxin rabtay iyo sidoo kale qalabkii ay u adeegsan lahaayeen is-qarxintaas.

Taliyaha qeybta booliska gobolka bari C/xakiin Xuseen Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay goobta dadkaasi lagu soo bandhigay ayaa sheegay in howlgal ay magaaladaasi ka sameeyeen 24-kii saac ugu dambeeysay ay kusoo qab-qabteen raggaasi iyo walxaha qarxa.

Raggaasi la qabtay ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalyahanadda Al-shabaab, waxaana uu taliyaha xusay inay muddooyinkii ugu dambeysay la socdeen dhaq-dhaqaaqooda.

Dhinaca kale, taliyaha ayaa sheegay in 4 ka mid ah raggaasi la qabtay ay deegaan ahaan kasoo jeedaan gobolka Bay, halka midka kalena uu kasoo jeedo gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa shacabka reer Boosaaso ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si guul looga gaaro kooxaha amni xumidda ka wada gobolka Bari.

error: Content is protected !!