Wararkii ugu dambeeyay wada-hadalada Muqdisho uga socday Ahlu-sunna iyo Galmudug

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan lasoo gaba-gabeeyay wada-hadaladii ay dowladda federaalka Soomaaliya ka dhex waday maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca, iyadoo aan weli wax natiijo ah laga gaarin.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo aynu ka heleyno xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inoo sheegaya in tan iyo habeenkii xalay uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kulamo kala duwan la yeelanayay mas’uuliyiinta u kala matalaysay maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Kulamadaasi ayaa ahaa mid ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dooneysay in lagu bad-baadiyo wadahadalada u furmay maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna Waljameeca, balse ugu dambeyntii uu kusoo gaba-gaboobay mid fashil ah.

Sidoo kale, kulankii ugu dambeeyay ee xalay dhexmaray ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa la sheegayaa inuu sabab u ahaa fashilka ku yimid in guul laga gaaro, kadib markii dhinaca Ahlu-sunna ay diidday inay tanaasusho shuruudo adag oo ay wadatay.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta u kala matalaysay maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa la filayaa in waqtiyadda soo aadan ay dib ugu kala laabtaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa iminka u muuqata inuu halkaasi ku fashilmay dadaalkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dooneysay inay ku dhex-dhexaadiso maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

error: Content is protected !!