DEG DEG:- Sarkaal ka tirsan NISA oo goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho

Warar goor dhow ina soo gaaray ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bistoolado ay magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA.

Raggaasi oo ahaa labo ayaa la sheegay inay toogteen sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Xaaji Cali, kaasi oo ku sugnaa guri uu isaga lahaa oo xilligaasi dhisme ku socday, kaasi oo ku yaalla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa la sheegay inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana halkaasi markii dambe soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo goobtaasi ka bilaabay howlgallo lagu baadi-goobaya raggii wax dilay.

Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkaan, hase ahaatee dilalka sidaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa magaalada Muqdisho ka geysta Xarakada Al-shabaab.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah.

error: Content is protected !!