Faah faahin:- Dagaal xooggan oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo dagaalyahanadda Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalkaas ayaa sida la sheegay bilawday kadib markii saqdhexe xalay ay dagaalyahanadda Al-shabaab weerar hoobiyaal ah ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo mid kamid ah yahay Al-shabaab ayaa dagaalkaasi ku dhintay, seddax kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in dhankooda aanu wax khasaare ah soo gaarin, islamarkaana xaaladdu maanta ay tahay mid deggan.

Al-shabaab kama aanay hadal dhankooda dagaalkaan, hase ahaatee dagaallada sidaan oo kale ah ayeey ku qaadaan magaalooyinka ay maamusho dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!