Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka jawaabay su’aalo ku saabsan dhismaha ciidanka qaranka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeenkii xalay ahaa Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kula kulmay guddiyada difaaca iyo amniga ee golaha shacabka, kuwaasi oo dhaliilsanaa qorshaha dhismaha ciidamada qaranka.

Guddiyadaan ayaa aad u diidanaa in maamul goboleedyada dalka ay kala yeeshaan ciidamo, waxayna si arrintaasi uga qancaan ay u yeereen ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu ra’iisul wasaare Kheyre si deggan uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay labadaan guddi wateen, wuxuuna u sheegay in ciidanka qaranka aanay saameyn ku yeelan doonin siyaasadda dalka, islamarkaana si adag loo dhisi doonno.

Guddiyadaan ayaa sida ay sheegeen ka baqay in haddii maamul walbo ciidan la siiyo ama tiro gaar ah loo tababaro inay ciidanka dhexdooda dagaallamaan sidii horeyba u dhexmartay Galmudug iyo Puntland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si deg-deg ah ku dooneysa inay ku dhisto ciidan qaran oo ka kooban 18 kun, kuwaas oo hanta amniga guud ee dalka.

error: Content is protected !!