Roob lagu diirsaday oo saakay ka da’ay guud ahaan magaalada Muqdisho

Roob ay dadka iyo duunyadaba ku diirsadeen ayaa saakay ka da’ay guud ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho ayaa saakay kusoo kacay daruur isku gadaantay cirka oo dhan, waxaana abaare 7-dii subaxnimo bilawday roob neecaaw qabow ah wato.

Waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood waxaa biyo dhigay roobka, waxaana dadka maanta yihiin kuwo qabowsanaya.

Roobkaan ayaa yimid xilli Muqdisho bilihii ugu dambeeyay uu ka jiray kuleyl zaa’id ah, wallow maanta la qabowsaday.

Dhanka kale, qaar kamid ah gobollada dalka sida Sh/hoose iyo Mudug waxaa ka da’ay roobka xilliga gu’ga.

Waxaa dalka Soomaaliya ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, wuxuuna roobkaan imaanayaa xilli gobollada dalka qaar ay dadku biyo la’aan u dhimanayaan.

error: Content is protected !!