Nabadoon caan ah oo lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in habeenkii xalay halkaasi lagu dilay nabadoon caan ka ah magaaladaasi.

Koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe “Maxamuud Fareey”, oo ka mid ahaa odayaasha waxgaradka ah ee degmada Jariiban.

Dilka Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe “Maxamuud Fareey” ayaa illaa iyo haatan la garanayn waxa uu salka ku haayo, iyadoona kooxihii dilka geystay ay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen.

Si kastaba, magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu horeeya oo ay ka dhacaan falalka dilalka ah ee lala beegsado dadka bulshada hormuudka u ah iyo saraakiiisha maamulka Puntland, inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay uu amniga magaaladaasi soo hagaagayay.

error: Content is protected !!