Ra’iisul wasaare Kheyre oo digniin u jeediyay dadka ku kaca falalka musuq-maasuqa ah (DHAGEYSO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markale shaaca ka qaaday inaan marnaba loo dul qaadan doonin qofkii lagu helo isagoo ku kacaayo fal musuq-maasuq ah.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlaayay deeqaha loogu talo-galay dadka tabaaleysan ayaa amar ku bixiyay in qofkii lagu helo inuu musuq-maasuqo gurmadka gargaarka uu isaga si toos ah tallaabo uga qaadi doonno, islamarkaana uu la tiigsan doonno sharciga.

“Waxaan halkaan ka caddeeynayaa inaan marnaba loo dulqaadan doonnin musuq-maasuq, haddii uu jiro qof xukuumadda ama guddiga ka mid ah ama xero qaxooti u furtay inuu gargaarka leexsado, waxaan codsanayaa inaad aniga ii soo sheegtaan, waxaana idiin ballan qaadayaa in sharciga lala tiigsan doonno, marnaba lama aqbali doonno in dad dhimanaaya loo heysto inay yihiin maxaabiis oo kale, waxaan ku amrayaa hay’addaha dowladda ee ka shaqeeya amniga inay sida ugu dhaqsiyaha badan arrinkaasi wax uga qabtaan” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Kheyre

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka digay in hadii uu dalka ka jiro fal musuq-maasuq ah aanan hormar laga gaari karin amniga, xuriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed, sidaas awgeed loo baahan yahay in si weyn loola dagaalamo falalka musuqa ah.

error: Content is protected !!