Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka hadashay wadahadaladii Galmudug iyo Ahlu-sunna (AKHRISO)

War-murtiyeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa faah faahin dheeraad ah looga bixiyay wadahadaladii Muqdisho uga socday maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

War-murtiyeedka oo uu ku saxiixnaa wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa lagu sheegay in labada dhinac Galmudug iyo Ahlu-sunna ay heshiis ka gaaraan khilaafkooda, islamarkaana qaataan go’aan wax qeybsi siyaasadeed oo ku dhisan cadaalad iyo is tixgelin, iyadoo Galmudug loo fasaxay inay qabsato doorashada madaxweynaha oo lagu wado inay 30-ka bishaan April ka dhacdo magaalada Cadaado.

Sidoo kale, war-murtiyeedka ayaa lagu qoray dhowr qodob oo baaq u badan, iyadoo laga meer-meeray in wada-hadalkii labada dhinac uu burburay.

Waxaa haatan muuqata in aanay suurtagal noqon weysay in heshiis rasmi ah laga dhex dhaliyo labada dhinac, gaar ahaan dhinaca Ahlu-sunna Waljameeca oo shuruudo adag la timid shirka.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka wasaaradda arrimaha gudaha

 

error: Content is protected !!