Magacyadda musharixiinta madaxweynaha Galmudug ee is-diiwaan geliyay (AKHRISO)

Iyadoo maalinta berri oo Axad ah lagu wado in magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa waxaa durbadiiba magaaladaasi ka bilawday ololaha doorashada musharixiinta ee xilkaasi u taagan.

Waxaa saacadihii ugu dambeysay magaalada Cadaado kusii qul-qulayay musharixiinta u taagan doorashada xilka madaxweynaha Galmudug, iyadoona ammaanka goobta ay doorashada ka dhiceeyso si weyn loo adkeeyay.

Guddiga doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in qaar ka mid ah musharixiinta tartameeysa durbadiiba la guddoonsiiyay shahaadooyinkooda musharaxnimo, waxaana qaarka kale ee harsan ay hortagi doonaan baarlamaanka si iyagane shahaadooyinkooda lo guddoonsiiyo.

Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf) iyo Axmed Shariif Cali oo ka mid musharixiinta midkood loo saadaalinaayo inuu ku guuleysan doonno doorashada xilka madaxweynaha Galmudug ayaa haatan ku wada sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana illaa iyo haatan tartanka doorashada isku diiwaan gelisay illaa seddax musharax oo kala ah:-

1- Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf)

2- Axmed Shariif Cali Hiloowle

3- Prof. C/qaadir Shirwac.

Maalinta berri ayaa la filayaa in magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Galmudug, inkastoo ay dhici karto in doorashadaasi ay dib uga dhacdo, balse aan si rasmi ah loo saadaalin karin arrinkaas.

error: Content is protected !!